Home Wararka Maanta Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maalintii Labaad kasocda Magaalada Muqdisho

Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Maalintii Labaad kasocda Magaalada Muqdisho

0

Shirkii golaha wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka soconaya Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho maalintii labaad ka furmaya shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana shir guddoominayo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in heshiis kama dambeys ah lagaga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxda ayaa lagu wadaa sidoo kale in ay warbixino ka dhageystaan guddiyada doorashaa iyo hanaanka ay wax u wadaan.

Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo ayaa waxaa kamid ah:-

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry oo ka badbaaday isku day Sil
Next articleTacadiyo ka dhashay Dagaaladii Bosaaso oo lasoo Bandhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here