Home Wararka Maanta Tababar loo furay Sedex Kun oo Macalim oo kusoo biirtay Wasaaradda Waxbarashada

Tababar loo furay Sedex Kun oo Macalim oo kusoo biirtay Wasaaradda Waxbarashada

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta tababar u furay macallimiinta cusub oo 3,000 ah oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkaan.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo kasoo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

Ad
Previous article15 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Canada
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo Xilka Laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here