Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa isbuucii labaad xabsi kuyaal Muqdisho ku xiran ninka mayalka adag ee Sufiyaan Taakeeye, kaas oo sheegta in uu hogaamiyo xisbiga Talo-kunool.
Sufiyaan Taakeeye oo dhawaan xabsi laga soo daayey ayey xubnahan lasoo xiriiray Warbaahinta sheegeen in xarigiisan danbe loo aanaynayo wareysiyo dhowr ah oo uu bixiyey, kuwaas oo uu kaga hadlayey fikirkiisa ku aadan in Kitaabka Alle iyo Sunada Nebi Muxamed ( NNKH ) lagu hogaamiyo dalka iyo dadka.
Taakeeye ayaana Dhawaan lagu Xukumay Laba sano oo il Ku hayn ah Balse Markii lasoo Dayay Ayuu Shaaciyay inuudan Ka Tanaasulin Fikirkiisa.
Sidoo kale Wuxuu Sheegay in dowlada Xasan Shiikh ku Amartay Inusan Dowlada Wax ka sheegi karin labada Sano ee U hartay Waana Sababta Loo Badinaayo In Markale Xabsiga La Dhigo.