Home Wararka Caalamka sweden oo xiraysa Shirkadaha Lacagaha usoo dira Soomaaliya

sweden oo xiraysa Shirkadaha Lacagaha usoo dira Soomaaliya

0

Shirkadaha lacagaha u dira Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Sweden ayaa waxaa la soo daristay walwal wayn oo sabi kara in bisha July 2022 wixii ka danbeeya aanay bankiyada isticmaalin karin dhammaantood.

Sharkadahan waa shirkado shatiyo haystay muddo 10 sano ka badan, adeeg muhiim ahna u hayay dadka qurbojoogta ah ee caawiya carruurtooda iyo waalidiintooda deggan qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe.

Lama garanayo sababta dowladda Sweden waqtigaan u xirayso shirkaddahan. Walow hadda ka hor ay dowladda Sweden sheegtay in lacagaha loo diro Soomaaliya ay ka cabsi qabto in lagu maalgaliyo Alshabaab.

Shirkadahani waxay bulshada u sameyn jireen adeegga lacag dirista fudud ee dadka abaaraha ku habsadeen, duufaanada, carruurta waxbarata, iyo dadka caafimaad la’aanta la ildaran ee badankooda deggan Soomaaliya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa madaxweyne Xasan Sheikh iyo Raysalwasaare Xamze ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan inay soo fara galiyaan xaaladdan islamarkaana ay Safiirada Sweden iyo EU-da kala hadlaan inaan la xirin shirkadahan.

Jaaliyaddu waxay sheegtay inay la gudboon tahay inay ashtako ka gudbiyaan bankiyada Sweden, kuwaas oo lagu eedeeyay in si gaara loo bartilmaameedsado shirkadaha lacagaha u dira Soomaaliya ee haysta ogolaashaha lacag dirista.

Ad
Previous articleNabadoon Aadan Abshir Maadey oo goordhow la dilay iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Diilkisa
Next articleKenya oo Maalma kooban ka faa’iiday lacago malaayiin dollar ah qaadka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here