Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo goordhow la dilay iyo Faahfahin kasoo...

Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo goordhow la dilay iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Diilkisa

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo ay maanta koox hubeysan ka geysatay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo ka mid ahaa waxgaradka ku dhaqan gudaha degmadasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay isaga baxsadeen goobta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmad Afgooye oo uu ag daganaa marxuumka, waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa

 

 

Ad
Previous articleWasiir uu Magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle oo is casilay
Next articlesweden oo xiraysa Shirkadaha Lacagaha usoo dira Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here