Home Wararka Maanta Soomow Ibraahim Iidow oo ugu Danbayn Gacanta Dowlada Soogalay

Soomow Ibraahim Iidow oo ugu Danbayn Gacanta Dowlada Soogalay

0

Soomow Ibraahim Iidow oo magac afgarashada  loo yaqaano (Macallin Soomow), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda 60-aad.

Macallin Soomow kooxda ka tirsanaa muddo 5 sanno ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Jabhadda, sida ay sheegeen saraakiisha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

“Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogg adalka.

Waxaa warsaxaafadeedka la sii raaciyay “Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha”.

Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareysi laga qaaday Macallin Soomow waxa uu uga hadlay waxyaabaha sababay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo goostay kooxda.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dhalinyarada ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda, isaga oo ugu baaqaan inay kasoo tegaan, iskuna soo dhibaan dowladda Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dmabeeyay waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.

Ad
Previous articleArooskiisa oo tacsi isu badalay kadib markii ay dhinteen 16 qoyskiisa ka mid ah
Next articleXamse Cabdi Bare oo Ka Farxiyay Shacabka Muqdisho iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here