Home Wararka Maanta Arooskiisa oo tacsi isu badalay kadib markii ay dhinteen 16 qoyskiisa ka...

Arooskiisa oo tacsi isu badalay kadib markii ay dhinteen 16 qoyskiisa ka mid ah

0

Bangladesh, oo ay ku dhufteen cimilo aad u daran iyo duufaanno waaweyn, ayaa celcelis ahaan 300 oo qof ay ku dhintaan danab sanad walba, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Maraykanka ayuu hanqadhku ku dilaa wax ka yar 20 qof sannadkiiba, iyada oo weliba uu laba jeer ka dad badan yahay Bangladesh.

Wiilkan lagu magacaabo Mamun ayaa 16 ka mid ah qoyskiisa hal mar aasay ka dib markii ay biriq ku dhacday xilli uu u dabal dagayey arooskiisa.

Qoyska Mamun ayaa doonta webiga soo raacay si ay uga qaybgalaan arooska wiilkooda. Roob xooggan iyo duufaan ka dib waxay doontii dhigeen jiinka webiga si ay roobka uga jirsadaan balse halkaas ayey ku qabsatay biriq kuna geeriyoodeen 16 qof hal mar.

Mamuun ayuu sidaas tacsi isugu baddalay arooskiisii.

Mamuun waxa uu waayay aabbihii, awoowyaashii, abtiyaashii, adeerradii iyo eedooyinkii. Hooyadiis ma aysan saarnayn doonta, wayna ka badbaadday shilka danabka.

Nasa, Qaramada Midoobay iyo dowladda Bangladesh ayaa kororka dhimashada biriqdu sababto u tiiriyay duufaannada sii kordhaya ee isbeddelka cimilada.

Ad
Previous articleATMIS oo soo bandhigtay yoolalkeeda sannadka cusub ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya
Next articleSoomow Ibraahim Iidow oo ugu Danbayn Gacanta Dowlada Soogalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here