Soomow Ibraahim Iidow oo magac afgarashada loo yaqaano (Macallin Soomow), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda 60-aad.
“Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogg adalka.
Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wareysi laga qaaday Macallin Soomow waxa uu uga hadlay waxyaabaha sababay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo goostay kooxda.
Muddooyinkii u dmabeeyay waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.