Home Wararka Maanta Soomaaliya Oo La xariirtay Wasarada Difaaca Imaraadka Kadib Dilkii Loogu Gaystay Askartooda...

Soomaaliya Oo La xariirtay Wasarada Difaaca Imaraadka Kadib Dilkii Loogu Gaystay Askartooda Muqdisho

0

Wasiirka Difaaca JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarki argagixiso ee ka dhacay xera Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirku in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Waxa uuna rabbi uga baryay in uu u naxariisto shuhadada, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo, ehelkoodina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo wixi dhacay, iyo in falka argagixisada ee fulaynimada ahi uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka Dhacay Gaalkacyo iyo ninkii Dilka Gaystay oo Gacanta Lagu dhigay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Raalin Siiyay Muuse Suudi Yalxoow