Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Raalin Siiyay Muuse Suudi Yalxoow

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Raalin Siiyay Muuse Suudi Yalxoow

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xalay si lama filaan ah hoygiisa ugu tagay Senator Muuse Suudi oo in muddo ah xurguf siyaasadeed ay u dhaxeysay, tan iyo markii uu Madaxweynuhu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Booqashadan ayaa daarneyd sallaan iyo raalli gelin, iyadoo dhowr jeer oo hore Senator Muuse Suudi uu diiday inuu la kulmo Madaxweynaha kaddib Ergo uu u soo dirsaday.

Intii uu Madaxweynaha booqanayay hoyga Muuse Suudi oo ku yaalla Mirinaayada ayaa loo xirin wax waddo ah, waxaana markii booqashada uu soo dhameystay lugta soo mariyay Jubba Hypermarket oo ku taal Isgoyska Jubba oo sallaan la qaaday dad fadhiya maqaayado ku yaal Xaruntaas Ganacsi.

Ad
Previous articleSoomaaliya Oo La xariirtay Wasarada Difaaca Imaraadka Kadib Dilkii Loogu Gaystay Askartooda Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Shaacisay ninkii Laayay Saraakiisha Imaaraadka iyo Ciidamada Soomaalida ee lagu laayay xerada Gordan