Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland. Oo War Cusub kasoo Saartay Dagaaladii laasacaanood

Soomaaliland. Oo War Cusub kasoo Saartay Dagaaladii laasacaanood

0

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ay si bilaash ah u dhigan karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Wasiirro uu kamid yahay wasiirka waxbarashada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in la faquuqo shacabka Laascaanood, xilli ay sii daba-dheeraaneyso colaadda gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

“Ma ogolin in wax faquuq ah loo gaysto bulshada asal ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Dalka waa la wada leeyahay, qofkasta oo ku kaca fal kasoo horjeeda iyaga, ciidanka ilaalada amniga waxaanu faraynaa, in ay gacan bir ah ku qabtaan.”

“Ardayda Laascaanood deganaan jirtay ee degmooyinka kale u guuray, waxaa ku wargelinaynaa in waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay oo dugsiga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lacag la’aan ku dhigan doonaan, ilaa inta ay ku laabanayan degmada Laascaanood.”

Sidoo kale waxay sheegeen in dad u jeedooyin gaar ah leh ay baraha bulshada ku baahinayaan muuqaalo been abuur ah oo lagu rabo “in cabsi iyo colaad lagu dhex-dhigo shacabka Laascaanood iyo kuwa kale ee Somaliland.”

“Kuwa qurba joog ah oo horay Laascaanood qalalaasaheeda uga qayb-qaatay ayaa hadana bilaabay in ay cabsi-galiyaan shacabka reer Laascaanood ee ku nool magaalooyinka Hargeysa kamid tahay.”

Ardaydii Laascaanood ee saameynta ku yeeshay dagaalka ayaa intooda badan waxay waxbarashadooda dib uga billowdeen deegaanada Puntland, ayaga oo kal hore la galay ardayda maamulkaasi, halka ay Somaliland ay sheegtay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore, si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gobolka Sool, ayada oo dadka deegaanada la isku horfadhiyo ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo.

Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto.

Si kastaba, Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Markii ugu Horaysay Ka Hadlay Dagaalkii ay ku jabeen ee Owdhiigle
Next articleXubno ka Tirsan Alshabaab oo Duqayn Lagu Dilay Iyo Dowlada oo Ka Hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here