Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Markale ka Hadashay aqoonsiga la Siiyay SSC Khaatumo

Soomaaliland oo Markale ka Hadashay aqoonsiga la Siiyay SSC Khaatumo

0

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi oo wareysi siiyay telefishanka Sahan ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, hase yeeshe looga soo duulay qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay war-saxaafadeed kuna caddaysay mowqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli Suufi.

Waxa uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland.

“Waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ama tabasho gaar ah ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Suufi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay.

“Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula hadhin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo hadal qaaday qadiyadda wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay in dowladda federaalka ay kula hadli karto oo kaliya fagaare caalami ah, oo loo dhan yahay.

“Wada-hadallada Muqdisho oo keliya ma aheyn ee beesha caalamka qeyb ayay ka aheyd. Siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi waa in madal loo dhan yahay oo ay joogaan dhex-dhexaadiyaasha, iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.”

Somaliland ayaa dhawaan ugu baaqday Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC-Khaatumo, iyada oo beesha caalamka usoo jeedisay inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama ay sheegtay in uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka.
Ad
Previous article75 Qof oo losoo Xiray Kiiska Wiil 11 jir ah oo kufsi iyo Dil loogu Gaystay Magaalada Gaalkacyo
Next articleCiidamada ATMIS oo lagu Wareejiyay Diyaarado ay Alshabaab kula Dagaalamaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here