Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo lagu Wareejiyay Diyaarado ay Alshabaab kula Dagaalamaan(Sawiro)

Ciidamada ATMIS oo lagu Wareejiyay Diyaarado ay Alshabaab kula Dagaalamaan(Sawiro)

0

Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya ku wareejiyay saddex diyaaradood oo helikobter ah

Dayuuradahan ayaa loogu tal iney ka caawiyaan ciidamada howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Qoraal rasmi ah oo ay hay’adda UNSOS soo dhigtay barteeda “X” ayay ku muujisay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta hawlgallada ATMIS

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UNSOS

UNSOS waxa ay ATMIS ku taageertay inay saddex diyaaradood oo helikobter ah ka hesho Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi si ay u xoojiyaan taageerada hawlgallada ATMIS ee ka socda Soomaaliya.

Diyaaradaha Helikabtaris-ka ee Mi-8 iyo Bell 412, oo qayb ka ah Helikabtarada ay QM u oggolaatay inay isticmaalaan, ayaa xoojinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo  ka caawin doona daabulaada ciidamada, soo-celinta degdegga ah, iyo daad-gureyn caafimaad ee naf-badbaadinta ah oo laga soo saarayo jiidaha hore ee dagaalka. Diyaaradahan waxey ka mid noqon doonaan hantida ATMIS iyagoo hoos imaan doona taliska iyo Maamulka ATMIS.

UNSOS waxay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyadoo si dhow ula shaqeyneysa ATMIS iyo Ciidanka XDS si ay ufuliyaan waajibaadkooda Soomaaliya.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Markale ka Hadashay aqoonsiga la Siiyay SSC Khaatumo
Next articleCiidamada La Kala Dhex Dhigey Maleeshiyo Beeleedkii Abgaal ee Ku Dagaalamaya Shabelaha Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here