Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay aqoonsigii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay siisay SSC-Khaatumo.
“Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay war-saxaafadeed kuna caddaysay mowqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah,” ayuu yiri Wasiir Cabdiweli Suufi.
Waxa uu sheegay in waxa ka taagan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uusan aheyn cabasho dadweyne, balse uu salka ku hayo duulaan la soo qorsheeyay oo ka dhanka ah Somaliland.
“Waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ama tabasho gaar ah ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Suufi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in socdaalkii hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ee magaalada Muqdisho ay cadeyn u tahay in Somaliland lagu soo duulay.
“Dhinacyo badan oo Soomaaliya ayaa dagaal waxba la iskula hadhin soo qaadeen. Sool marwalba waa Somaliland,” ayuu yiri Wasiirka oo sii adkeynaya bayaankii dhawaan ay wasaaradda arrimaha dibadda kasoo saartay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka.
“Wada-hadallada Muqdisho oo keliya ma aheyn ee beesha caalamka qeyb ayay ka aheyd. Siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi waa in madal loo dhan yahay oo ay joogaan dhex-dhexaadiyaasha, iyo in laga wada-hadlo sidii loo kala bixi lahaa.”