Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo Arin lama Filaan ah kasoo Saaratya Dagaalkii Laasacaaanood

Soomaaliland oo Arin lama Filaan ah kasoo Saaratya Dagaalkii Laasacaaanood

0

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo mar kale war cusub kasoo saaray colaadda magaalada Laascaanood ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Kaahin ayaa ka laabtay eedeyntii ay horay Somaliland ugu jeedisay dowladda federaalka, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan wax lug ah ku laheyn dagaalkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in cidda hurineyso colaadda Laascaanood ay tahay Puntland, wuxuuna ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu isagu ciidamadiisa geeyay Laascaanood iyo Tukaraq.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Laascaanood iyo Somaliland dhexdooda laga faa’iideystay, isla-markaana dagaalka ay waddo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

‘Arrinkaa Somaliland ma waddo, shacabka reer Laascaanoodna ma wado, cidda arrinkaa dabada ka wadda ee ciidankaa shalay soo rartay ee dagaalka maanta hageysa waa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Deni’. ayuu yiri Maxamed Kaahin.

Sidoo kale wuxuu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hadalkiisa uu sii raaciyay “Ma aha maamulka Xamar, ma aha maamulka Soomaaliya cidda dagaalka wadda”.

Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale cod dheer ku sheegay in beesha caalamka ay ku wargelinayaan in dagaalkaas ay mas’uul ka tahay Puntland, lagulana xisaabtami doono.

‘Shalay baa u dambeysay oo ciidan Garoowe ka soo qaaday, aagga Tukaraq ayay soo dageen, marka waxaynu caalamka u sheegeynaa, in inaga iyo shacabka reer Laascaanood aan bari ka nahay dagaalka, cidda arrintaa wadana ay tahay maamulka Puntland” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya eedeymo xiriir ah oo ay Somaliland horay ugu jeedisay dowladda federaalka, kuwaas oo la xiriiray inay ku lug leedahay dagaalka Laascaanood.

Si kastaba, xaaladda magaaladan ayaa weli cakiran, waxaana is horfadhiya ciidamada labada dhinac oo mararka qaarkood madaafiic isku weydaarsada halkaasi.

Ad
Previous articleXasan cali Khayre oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Sababta uu uyimid oo la Shaaciyay
Next articleCabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo Ka Horyimid Qorshihi Deni Watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here