Home Wararka Somaliya Puntland Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo Ka Horyimid Qorshihi Deni Watay

Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo Ka Horyimid Qorshihi Deni Watay

0

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo dhawaan Garoowe tagey ayaa sheegay in aysan halkaa u tagin xalinta shaqaaqadii Garoowe ka dhacday dabayaaqadii bsihii Juun.

Cabdiwali Cai Gaas ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay halkaa u tageen isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay tahay taageeridda shirka ismada dhaqanka oo looga hadlayay arrimaha ku saabsan dagaalkii Garoowe iyo sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii dagaallamay.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay si looga baaqsado dagaal dambe in Meesha laga saaro dastuur furista isla mrakaana ay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa sheegay in maadama khilaafkan uu ka dhashay furista dastuurka ay tahay in arrintaa aan hadda loo baahneyn isagoo xusay in haddiiba wax laga badelayo dastuurka ay tahay in si wada jir ah oo ku saleysan wadatashi wax looga badelo.

Wuxuu intaa raaciyay in dastuurka aan loogu tala galin in hadba dowladdii timaada ay waxey doonto ka badesho iyadoon cid kala tashan

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Arin lama Filaan ah kasoo Saaratya Dagaalkii Laasacaaanood
Next articleWAR DEG DEGAH: Diyaarad Siday Madax Iyo Dhacab oo ku Burburtay Garoonka Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here