Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo mar kale war cusub kasoo saaray colaadda magaalada Laascaanood ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.
Wasiirka ayaa xusay in cidda hurineyso colaadda Laascaanood ay tahay Puntland, wuxuuna ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu isagu ciidamadiisa geeyay Laascaanood iyo Tukaraq.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Laascaanood iyo Somaliland dhexdooda laga faa’iideystay, isla-markaana dagaalka ay waddo Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hadalkiisa uu sii raaciyay “Ma aha maamulka Xamar, ma aha maamulka Soomaaliya cidda dagaalka wadda”.
‘Shalay baa u dambeysay oo ciidan Garoowe ka soo qaaday, aagga Tukaraq ayay soo dageen, marka waxaynu caalamka u sheegeynaa, in inaga iyo shacabka reer Laascaanood aan bari ka nahay dagaalka, cidda arrintaa wadana ay tahay maamulka Puntland” ayuu yiri.
Si kastaba, xaaladda magaaladan ayaa weli cakiran, waxaana is horfadhiya ciidamada labada dhinac oo mararka qaarkood madaafiic isku weydaarsada halkaasi.