Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Amartay in La jaro Isgaarsiinta Magaalada Laaso Canood

Soomaaliland oo Amartay in La jaro Isgaarsiinta Magaalada Laaso Canood

0

Somaliland ayaa ku amartay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool inay muddo kooban hakiyaan adeega telefoonada iyo Internet-ka.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadahaan ku amartay inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan arrintaan, si hoos loogu dhigo kacdoonka sii xoogeysanaya ee ka socda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyiin illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkadaha ay amarkaan gaarsiisay Somaliland ayaa waxaa kamid ah shirkada Golis oo ayadu ka howl-gasha Puntland, kana mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ay isticmaalaan dadka reer Laascaanood.

Weli ma cadda jawaabta ay Shirkadaha Isgaarsiinta ka bixin doonaan amarka Somaliland oo guud ahaan saamaynaya isgaarsiinta magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa hore u qaaday tallaabooyin noocan oo kale ah, wuxuuna ujeedkeedu yahay sidii ay meesha uga saari laheyd kacdoonka socda ee sida weyn loogu baahiyay Internet-ka iyo baraha bulshada.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ahaa, kadib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dibad-baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo magaaladaas ku batay mudooyinkii dambe.

Xukuumada Somaliland oo shalay ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay bixineyso magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleHalyeygii Kubadda Cagta Brazil Pele Oo Geeriyooday
Next articleCiidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub