Home Wararka Maanta Somaliya oo diiday in Baaritaan dhanka xuquuqda aadanaha Lagu sameeyo itobiya

Somaliya oo diiday in Baaritaan dhanka xuquuqda aadanaha Lagu sameeyo itobiya

0

Golaha Xuququda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cod uu qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah kuwaas baaritaan ku sameeya tacaddiyada dhanka xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya ka dhacay.

Codaynta ayaa dhacday kadib shir shalay looga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Itoobiya, taasi oo saraakiisha Qaramada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka.

Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo ka mid ah waddamada ku jira Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaasi, waxaana kasoo horjeestay 15 waddan, halka 11 kale ay ka aamuseen.

Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo ay ku jiraan Biritan iyo Jarmalka, halka kuwa kasoo horjeestay oo diiday ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea, oo la aamisanyahay in ay xulufo yihiin

Dhammaan waddamada Afrika ee ku jira golahan ayaa iskugu jiray kuwo diiday iyo kuwo ka aamusay.

Waddamada ka aamusay waxaa ka mid ah Senegal, Liibiya, Malawi yo Suudaan.

Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Itooobiya muddo hal sano ah.

Dawladda Itoobiya waxay kasoo horjeesatay shirka maanta iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shrika ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed, sida hadalka loo dhigay.

Ad
Previous articleDegdeg Dil goordhow Ka Dhacay Degaanka Xananbuure ee Gobalka Galgaduud
Next articleDegdeg Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo faahfaahin kasoo baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here