Home Wararka Maanta Somaliya iyo Kenya ayaa Ka wadahadlay dib u Hagaajinta Xariir Toos ah...

Somaliya iyo Kenya ayaa Ka wadahadlay dib u Hagaajinta Xariir Toos ah oo dhexmara labada dal

0

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ad
Previous articleGen, Macuub oo Loo Dhiibayo Amniga Goobaha Doorashada Galmudug
Next articleDhageyso Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Xubnaha Guddiga Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here