Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad...

Somaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad gureeyay

0

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahinayay war sheegayay in dowlada Mareykanka ka dalbatay maamulka Somaliland in si KMG ah u qaabilaan qaxooti laga soo daad gureeyay dalka Afganistan.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Saleemaan Cali Koorre ayaa beeniyay warkan la baahiyay ee ku aadanaa in dowlada Mareykanka maamulkooda ka dalbatay in ay qaabilaan qaxooti Afganistan laga soo qaaday.

Waxa  uu sheegay Wasiirka in warkan la faafiyay kaliya ka maqleen warbaahinta uuna yahay mid waxbo kamia jiraan ah, waxa uuna cadeeyay in hadii Mareykanka kasoo dalbado arintan iyagu u madax banaan yihiin go’aankooda.

Wararkaa lagala hadlayo qaxooti reer Afganistan oo imaanaya Somaliland wali maamulkayag si cad uma heyno, ilaa hada war ah in xukuumada Somaliland qaabileyso qaxooti Afganistan ah ma heyno, ma jirto codsi aan Mareykanka u dirnay oo ku aadan in Qaxootiga qaabilno ma jirto” ayuu yiri Wasiir Saleemaan Koorre.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Uganda laga soo dejiyay qaxooti reer Afganistan ah oo Mareykanka kasoo daabulay dalka AFganistan kadib markii ay la wareegeen kooxda Taalibaan.

Ad
Previous articleCiidanka Amaanka Muqdisho oo toogtay Nin Hubeysan
Next articleHaween ka mid noqonaya Ciidamada Haramcad oo Tababar Loogu soo Xiray Turkiga (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here