Home Wararka Somaliya Ciidanka Amaanka Muqdisho oo toogtay Nin Hubeysan

Ciidanka Amaanka Muqdisho oo toogtay Nin Hubeysan

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xaafadda Cali-turcaaye ee degmada Yaaqshiid ku toogtay nin ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ninkaan oo aad u hubeysanaa ay ciidamadu toogteen xilli howlgal roondo ah ay xaafadaas ku dhex-marayeen ciidamada.

Waxaa ay sidoo kale saraakiishu sheegeen in Ninkaan uu isku dayay in uu weeraro Ciidamada kala duwan ee dowladda, kuwaas oo xilliyada habeenkii wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Tan iyo markii degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ay kusoo bateen dhaca loo geysanayo dadka Shacabka ayaa Ciidamada ammaanka xilliyada habeenkii waxaa ay sameeynayeen howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ku sugayaan Nabadgelyada, waxaana Saraakiisha booliska ay tilmaameen inay joogteeynayaan howlgallada ammaanka lagu sugayo.

Ad
Previous articleAMISOM oo shir Xasaasi ah ka yeelatay Amniga Doorashada Soomaaliya
Next articleSomaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad gureeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here