Home Wararka Maanta Somaliland oo jabkii Goojacadde ku macneysay wixii Israel ka raacay Qaza

Somaliland oo jabkii Goojacadde ku macneysay wixii Israel ka raacay Qaza

0

Somaliland ayaa markale ka hadashay jabkii ciidankeeda lagu gaarsiiyay dagaalkii Laascaanood ee looga qabsaday saldhigii weyna ee Goojacadde.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo hortegay guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aan la macneyn karin illaa hadda sida ay wax u dhaceen, balse lagu tilmaami karo wixii Israel kaga dhacay Gaza oo kale, ee Xamaas ku gaarsiisay khasaaraha xooggan.

“Siday wax u dhaceen cidna idinka sheekayn mayso, oo wax Ilaahay qadaray weeyi oo wax la micnayn karaba maaha oo laga sheekayn karo, waa tii ka dhacday Gaza oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israel oo kun ka dilaysa, cidna isma laheyn,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ay Somaliland kaga baxday dhaqaale badan, ayada oo dagaal kasta oo dhaca ay uga bixi jirtay lacag gaadheysa laba milyan oo dollar, intii ciidanku joogay Goojacadde.

“Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag laba milyan gaadhaya, waxaan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Sacad Cali Shire.

Dabayaaqadii August ee sanadkaan, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde.

Wixii markaas ka dambeeyey waxay Somaliland waday abaabul xooggan oo ay mar kale iskugu diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato goobihii laga saaray.

Ad
Previous articleWarbaahinta taageerta ururka Xamaas oo soo qaatay hadalkii uu jeediyay raysal wasaare Xamsa Cabdi Barre kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.
Next articleRoob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen oo saacadihii lasoo dhaafay Da,ay iyo Gabdho Walaalo ah oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here