Home Wararka Somaliya Jubbaland Roob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen oo...

Roob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen oo saacadihii lasoo dhaafay Da,ay iyo Gabdho Walaalo ah oo ku Dhintay

0

Waxaa maanta magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu aasay labo gabdhood oo walaalo ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday daadad ku soo rogmaday magaalada.

Roob ma hiigaan ah oo daadad xoog leh ay ka dhasheen ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana la xaqiijiyey inay ka dhalatay geerida labadaas gabdhood.

Inta badan magaalooyinka gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan Ceelwaaq, Baardheere iyo Luuq waxaa ku dhuftay daadad xoog leh oo dhashay roobka Deyrta ee ka curtay Soomaaliya.

Dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale ayey waxyeelo ka soo gaartay, halka guryo iyo xoolo ay la tageen roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Roobka Deyrta oo kol sii horeysay ka curtay Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka uga da’aya si maalinle ah.

Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa daadad xoog leh, sida gobollada Bay iyo Gedo, halka meelaha qaar ay ku fataheen wabiyada, si gaar ah wabiga Jubba.

Magaalooyinka Khasaaraha nafeed laga soo weriyey waxaa ka mid ah Baydhaba oo daadad xoog leh ay ku dhufteen, kadib markii uu ka da’ay roob ma hiigaan ah.

Magaalooyin kale oo ay ugu horeyso Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan fatahaado uu geysto wabiga Shabeelle, sida ay saadaalinayaan hey’adaha la socda saameynta roobabka.

Sida laga soo xigtay FAO SWALIM Feejignaanta Fatahaadaha, roobab mahiigaan ah ayaa laga filayaa gobollada Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Mudug.

Khatar badan oo fatahaad iyo daadad ka dhalan karta ayaa weli ka jirta degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo 2 ilaa 3 maalmood ee soo socda la saadaalinayo in wabiga Shabeelle uu fatahaado ka geysan karo magaalada Beledweyne.
Ad
Previous articleSomaliland oo jabkii Goojacadde ku macneysay wixii Israel ka raacay Qaza
Next articleXildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo Sheegay Sababta Hakad ugu yimid Dagaalkii lagu Waday alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here