Home Wararka Maanta Somaliland oo duqeysay Laascaanood xilli ay ka socotay xafladda kowda Luulyo

Somaliland oo duqeysay Laascaanood xilli ay ka socotay xafladda kowda Luulyo

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay ciidamada Somaliland ay madaafiic xoogan ku garaaceen gudaha magaalada Laascaanood oo 15 sano kadib xalay lagu qabtay xuska Kowda Luulyo.

Madaafiicda oo laga soo tuuray duleedka Laascaanood ayaa ku dhacday gudaha magaalada oo xalay si weyn loogu dabaaldagayay sanad guurada 63-aad ee 1-da Luulyo.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa shabakadda wararka ee mudug24 u sheegay in xilliga ay bilaabaneysay duqeynta ay magaalada ka socotay munaasabad ballaaran oo ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu xusayay Kowda Luulyo oo ah markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Sidoo kale waxaa dhankooda madaafiic ku jawaabay ciidamada SSC-Khaatuma ee difaacyada kaga jira bannaanka magaalada, taas oo uga sii dartay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse waxaa sidii loogu talagalay kusoo dhammaatay xafladda Kowda Luulyo ee lahi qabtay Laascaanood.

Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay duqeyntaas, ayaa  cambaareeyay, isaga oo ku eedeeyay maamulka Hargeysa.

“Waxaan hambalyeynayaa in caawa markii ugu horreysay xafladda dabaaldagga kowda Luulyo lagu qabto magaalada Laascaanood, waxaanse aad uga xumahay dadkaas ku jiray waqtiga farxadda leh saacadihii aanu soo dhaafnay in maamulku duqeynayay goor habeenimo ah magaalada” ayuu yiri guddoomiye hore, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xiisadda Laascaanood ayaa mar kale dib u qaraxday todobaadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay dagaalladu dib uga billowdeen bariga iyo galbeedka magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa sidoo kale helay gurmadyo dheeraad ah, kadib markii ay ciidamo horleh gaareen aagga hore ee dagaalka, si ay uga qayb-qaataan.

Xaaladda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana horay u fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay ee ku aadana in la joojiyo dagaalka, kadibnaa la wadahadlo.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo aadeyso, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

Ad
Previous articleKylian Mbappe oo war ka soo saaray rabashada Faransiiska ka socda
Next article1da Luulyo Xoriyadda Soomaaliya: Shan arrimood oo aadan ka ogeyn madaxbannaanida Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here