Home Wararka Maanta Kylian Mbappe oo war ka soo saaray rabashada Faransiiska ka socda

Kylian Mbappe oo war ka soo saaray rabashada Faransiiska ka socda

0

Xulka qaranka France ayaa ku biiray baaqyada ku saabsan in la joojiyo rabshadaha ka dib hadal uu baraha bulshada soo dhigay kabtankooda Kylian Mbappe.

“Qaar badan oo naga mid ah waxaan ka soo jeednaa xaafadaha shaqada, waxaanan wadaagnaa dareenka xanuunka iyo murugada. Laakiin murugada waxaa u sii dheer in aan daawanno habkan is-burburinta”.Xulka ayaa sidookale dadweynaha kubooriyay in ay isdajiyaan.

Malintii afaaraad awaxaa Faransiiska ka socda rabshado ka dhashay will 17 jir ah oo ay booliska toogteen.

Markii rabshaduhu billowdeen horraantii toddobaadkan, qaar kamid ah mudaaharadayaasha ayaa inta badan weeraray dhismayaasha dadweynaha sida hoolalka magaalada, maktabadaha iyo xarumaha bulshada.

Waxay maalmihii u dambeeyay diiradda saareen bililiqada iyo dhaca dukaamada .

Waxaa jiray bililiqo badan habeenkii jimcaha waxaana laga yaabaa in dukaamo badan ay xirnaadaan usbuucan.

Ad
Previous articleCiidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay rag afduub iyo dhac geestay (Sawirro)
Next articleSomaliland oo duqeysay Laascaanood xilli ay ka socotay xafladda kowda Luulyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here