Home Wararka Maanta Somalida ingiriiska oo la Kulmay Cadaadis xoogan ka dib dilkii Loo gaystay…

Somalida ingiriiska oo la Kulmay Cadaadis xoogan ka dib dilkii Loo gaystay…

0

Soomaalida ku nool Ingiriiska ayaa helay hanjabaadyo dil ah ka- dib markii xildhibaan dhawaan lagu dilay London loo xiray nin Soomaali ah oo looga shakisan yahay inuu dilkaas ka dambeeyo.

Xarumaha jaaliyadaha Soomaalida Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa in lagu qasbay in la xiro, waxayna la kulmeen xadgudubyo nacayb ah, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska The Times.

Kaahiye Caalim, oo ah agaasimaha Golaha Ururada Soomaaliyeed, ayaa u sheegay wargeyska The Times in hanjabaada ka dhanka ah Soomaalida ay bilaabmeen isla markii ninka Soomaaliga ah loo xiray falka dilka ee xildhibaanka.

“Waxaan maqalnay warar sheegaya in dadka lagu aflagaadeeyay tareenka London iyo waddooyinka, laguna yiri ‘ku noqda gurigiinna, argagixiso ayaad tihiin,'” ayuu yiri Caalim.

Golaha Muslimiinta Britain (MCB) ayaa ku dhawaaqay dadaallo lagu caawinayo Soomaalida Ingiriiska iyo guud ahaan bulshada Muslimka ah sidii ay ula tacaali lahaayeen nacaybka iyo xadgudubka ka dhashay dilkii xildhibaan Sir David.

Zara Mohammed, xog-hayaha guud ee golaha muslimiinta Britain, ayaa sheegtay in masaajidyada ku yaal Southend, oo uu Sir David ka ahaa xildhibaan, ay dilkiisa aad uga xumaadeen.

Booliiska la dagaalanka xagjirnimada ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiskaan, welina macluumaad dhameystiran kama aysan soo saarin.

Ad
Previous articleShir Deg Deg ah oo Madaxtooyada uga socda Farmaajo Wasiirka Amniga iyo Taliye Bashiir Goobe
Next articleSheikh Shaakir oo ka hadlay Xaalada Gurceel Baaqna udiray Ciidamadda Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here