Home Wararka Maanta Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada qaar oo wili Muqdisho...

Shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada qaar oo wili Muqdisho ka soconaya

0

Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood  iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalintii Afaraad ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho

Shirka oo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galaya maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulanka qeyb ka aheyn, waxaana xeendaabka Xerada Xalane ay ka wadaan kulamo kale oo siyaasadeed.

Ad
Previous articleDhageyso Wasiirkii Amniga Jubbaland oo ka hadlay sababaha Keenay inuu Dowladda isku dhiibo
Next articleDhegayso Qasaare ka dhashay Hoobiyaal ku dhacay Degmada Wadajir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here