Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalintii Afaraad ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho
Shirka oo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galaya maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.
Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulanka qeyb ka aheyn, waxaana xeendaabka Xerada Xalane ay ka wadaan kulamo kale oo siyaasadeed.
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in