Waxaa Soo dhamaaday shirkii Beesha Caalamka ay la qaateen Madaxda Dowlad goboleedyada 5ta ah ee ka socday Airport Hoteel.
Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa kulan saacado socday la qaatay Madaxda 5ta Maamul Goboleed iyaga oo ka wada hadlay hanaanka Doorashada Soomaaliya iyo sidii loo guda geli lahaa hirgelinta Doorashada Soomaaliya.
Airport Hoteel, Waxaa isku haray Madaxweynayaasha iyaga oo shir gaar ah uu hadda u socdo.
Shirka oo galay maalintii 3aad ayaa Waxaa Banaanka ka jooga Dowladda Federaalka oo aan qayb ka ahayn iyaga Xilligan, waxaana shirkaan diirada Lagu saaray arimaha Doorashooyinka dalka iyo Siyaasada
Ad