Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi uu Hogaaminayo Madaxa Gargaarka Soomaaliya oo Gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxa Gargaarka Soomaaliya oo Gaaray Dhuusamareeb (Sawiro)

0

Waxaa maanta Magalada Dhusamareeb ee Caasimad Galmudug soo garay wafdi balaran oo uu Hoggaaminayo, madaxda iskuxirka arimaha gargargarka somalia ahna Kuxigeenka madaxa qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul mowla iyo u qaabilsanaha hey’addaha Caafimaadka aduunka ee Soomaaliya Dr Malik.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa wafdigan ku qaabiley Wasiiro ka tirsan Galmudug sida Wasiirka Caafimaadka Dr. Abdiwali Abdulahi Jaamac, madaxda Wasaaradda Gargaarka iyo Mas’uuliyiin kale iyadoo intaa kadib loo soo gudbiyey Guddaha Magaalada Dhuusamareeb oo ay kulan kula qaateen Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wafdigan ayaa si rasmi ah u daah furay Mashruuc Hey’adda Caafimaadka aduunka ay Isbitaalka Xanaano ee Dhuusamareeb kaga hirgalisey nidaam koronto oo Tamarta qoraxda u badalaya awood dab keydin oo suuragalisey in isbitaalku helo dab ku filan, isagoo si gaar ah u dabooley baahida loo qabey Mishiinada neefta siiya bukaanada oo hore isbitaalkan Hey’adda ugu wareejisay.

Ad
Previous articlePuntland oo dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay khalalaaso ka wado degaannadeeda
Next articleShirkii Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka oo soo idlaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here