Home Wararka Maanta Shirkadii Bajaajleyda Muqdisho ka Aruursanaysay lacagta oo Xabsiga Loo Taxaabay

Shirkadii Bajaajleyda Muqdisho ka Aruursanaysay lacagta oo Xabsiga Loo Taxaabay

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa si deg-deg ah usoo farageliyay cabasho kasoo yeertay darawallada ka shaqeeya gaadiidka mooto Bajaajta ee ka howlgasha Mudqisho, kadib markii ay sheegeen in lagu soo rogay lacago dheeraad ah.

Lacagtaas oo dhan 27 doolar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay badqabka mootada, waxaana ka dhashay qaylo dhaan kasoo yeertay Bajaajleyda.

Afhaayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi uusan shaqo ku lahayn dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay maamulka gobolka ay soo gaartay cabashada Bajaajleyda, kadibna uu si deg-deg ah uga howlgalay.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu caddeynayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn lacagahaasi laga qaadayay mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala Muqdisho” ayuu yiri.

Saalax ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad leh shirkado gaar ah oo iyagu qaadayay lacagahaasi, lagana qaadi doono tallaabo adag.

“Guddoomiyaha waxa uu faray laamaha ammaanka iyo qaybaka kala gedisan ee howlwadeennada maamulka gobolka Banaadir inay dabagalaan howshaas waxaana lagu guulaystay shalay in gacanta lagu soo dhigo rag Companyo lahaa oo iyagu ku shaqeysanayay howshaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay u mahadcelinayaan Bajaajleyda Muqdisho oo uu ku amaanay sida ay u qaataan amarada kasoo baxa maamulka gobolka Banaadir.

“Wuxuu maamulka u mahadcelinayaa Bajaajleyda ka howlgasha gobolkan Banaadir oo mar walba u hoggaansama awaamiirta dowladda hoose” ayuu mar kale yiri afhayeenku.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda oo nolosha kusoo Qabtay rag Alshabaab ahaaa
Next articleNISA oo gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqsiyaad dhawaan tegay deegaanada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here