Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Macawislayda oo nolosha kusoo Qabtay rag Alshabaab ahaaa

Ciidamada Macawislayda oo nolosha kusoo Qabtay rag Alshabaab ahaaa

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay howlgallo ka sameeyeen deegaanka Cadcadey, kadibna ay soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee deegaanka Cilmi Cabdulle Cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faahfaahiyay howlgalladaais, isaga oo xaqiijiyay inay nolosha ku qabteen saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanada howlgalka laga fuliyay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga ay soo qabteen ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, kuna soo tababarteen xeryo ay leedahay kooxda, si ay uga barbar dagaalamaan.

Cilmi Cabdulle Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in raggaan ay ku wareejiyeen ciidamada dowladda, si loogu gudbiyo hay’adaha ku shaqada leh.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgallada ay ka sii wadaan miyiga gobolka Shabeelaha Dhexe, si ay uga sifeeyaan haraadiga maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan raggaasi laga qabtay, sida ay shaaciyeen ciidanka deegaanka ee ka howlgala HirShabelle.

Ad
Previous articleCiyaaryoyda Koonfurgalbeed oo Go,aan la Yaableh ka Qaatay ka qayb galka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada
Next articleShirkadii Bajaajleyda Muqdisho ka Aruursanaysay lacagta oo Xabsiga Loo Taxaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here