Home Wararka Maanta Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo ka hadashay shil ka dhici gaaray hawada...

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo ka hadashay shil ka dhici gaaray hawada Soomaaliya

0

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa ka hadashay shil ka dhici gaaray hawada Soomaaliya toddobaadkii tegay oo ay ku lug laheyd mid ka mid ah diyaaradaheeda.

Labada diyaarad oo kala ah diyaaradaha Qatar iyo Itoobiya oo kasoo kala kicitimay Dooxa iyo Addis Ababa ayaa sabtidii isu jirsaday masaafo isku dhow iyaga oo ku socdaalaya khad isku dhaw sida ay sheegtay Somaliland.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada ee maamulka Somaliland boggeeda Facebook ku sheegtay “in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya,” kuwaas oo kala ahaa duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jireen laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka”.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa wax khatar ah, balse ay ahayd mid wargalin uun ah.

Maxay diyaaradda Qatar ka tiri dhacdadan?

Afhayeen u hadlay shirkadda Qatar Airways, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay, in hawshan iyo sida wax u dhaceen ay la wadaageen ‘masuuliyiinta ay khusayso’.

Dhanka kale shirkadda ayaa ku faantay in hawshan ay si habboon u maareeyeen duuliyeyaasheeda caalmiga ee u shaqeeya, kuwaas oo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdooyinka kediska ah ee ku qabsada hawada sare.

“Qatar Airways waxay si weyn u maalgashataa nidaam farshaxan sare ah oo hubinaya in duuliyayaasheenna aadka u tababaran ay si badbaado leh ugu shaqeeyaan diyaaradahayaga dhex maaxaya hawada isku dhafan ee adduunka oo dhan,” ayaa sheegay afhayeenka shirkadda Qatar Airways.

“Nidaamyadani waxay siinayaan shaqaalaheenna awood dhinacyo badan leh si ay u dejiyaan isu-socodka hawada iyo ilaalinta iyaga oo adeegsanaya kala soocid badbaadin leh,” ayuu sii raaciyey afhayeenku.

“Arrinka la isla dhexmarayo waxaan ku wargelinnay mas’uuliyiinta ay khuseyso, waxaana si shaqsi ah u maareeyay shaqaalahayaga, si gebi ahaanba waafaqsan nidaamka Qatar Airways.”

Inkasta oo shirkadda Qatar aysan si toos u sheegin sida wax u dhaceen, haddana waxa ay xaqiijiyeen in wixii maalinkaa hawada ka dhacay ay shaqaalaheedu maareeyeen, oo badbaadada rakoobkooda ka shaqeeyeen.

Telefishinka Aljazeera oo soo xiganaya warbaahinta gudaha Qatar ayaa sheegtay diyaarada nooceedu yahay Boeing 787 ee Qatar Airways iyo tan Ethiopian Airlines Airbus A350 ay ku sigteen inay isku dhacaan maalinnimaddii sabtida xilli kormarayeen hawada Soomaaliya, arrinkan oo ay u tilmaameen inay abuureyso walaac amni oo hawada gobolka ah.

Labada diyaarad ayaa u kala socday garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Uganda ee Entebbe iyo kan caalamiga ah ee diyaaradaha ee Dubai.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu laayay Askar ka Titsan Dowlada oonKa Dhacay Duleedka Muqdisho
Next articleWasiir Fiqi oo Dilkii uu ka Badbaaday Ugaas Mahiigaan ku Edeeyey Soomaaliland