Home Wararka Maanta Shirkadaha bixiya Adeega Korantada oo ku Dhawaaqay arin Shacabka Soomaaliyeed ka Naxeen

Shirkadaha bixiya Adeega Korantada oo ku Dhawaaqay arin Shacabka Soomaaliyeed ka Naxeen

0

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee kala Beco, Blue SKY iyo Muqdisho Power ayaa maanta shaaciyay in ay kordhiyeen qiimaha korontada waxayna sababtu ku sheegeen in shidaalku qaaliyoobay.

Shirkadaha oo kamid ah hay’adaha bixiya adeeg dadweyne kuwa ballaaran ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ayaa waligood ka qayb qaadanin gurmadka xiliyada adag.

 

waxayna go’aanka ay maanta qaateen ku soo aaday iyadoo dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan marxaladii ugu adkeyd ee dhanka bini-aadinimada.

Kumanaan kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ayaa wajahaya gaajo iyo harraad waxaana meelaha qaar la soo weriyay in ay dhinteen dad badan.

 

 

Beco, Blue sky iyo Muqdisho Power oo aan looga baran gurmadka Bulshada ayaa go’aankooda waxa uu halis gelin doonaa nolasha reer Muqdisho oo ladaala dhacaya sicir barar xoogleh.

Ad
Previous articleCiidamada keenya Qarax lagu Laayay
Next articleDeg Deg: Taliye shub oo Goordhow Xildhibaan Loo Doortay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here