Home Wararka Maanta Ciidamada keenya Qarax lagu Laayay

Ciidamada keenya Qarax lagu Laayay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qaybo ka mid ah gobolkaasi, xilli ay ku soo jeedeen dhanka magaalada Ceelwaaq oo ku taalla xadka.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo kasoo baxday deegaanka Weel-caday ee Wajeer, waxaana qaraxa uu haleelay gaari xamuul ah oo sahay u waday ciidanka Kenya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegay inuu khasaare kasoo gaaray ciidankooda, balse ay socdaalkooda sii wateen, kadib dhacdadaasi.

Ma shaacin saraakiisha inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha askarta Kenya kasoo gaaray weerarkaasi qaraxa ah oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan 11 askari, kuna dhaawaceen tiro kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxan uu qayb ka noqonayo weeraro maalmahan ka dhacay halkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah iyo qaraxyo ku qaada ciidamada Kenya ee isaga kala goosha deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan labada dal.

Ad
Previous articleDeg Deg: Qarax Xoogan oo ka Dhacay Muqdisho iyo masuul lagu Dilay
Next articleShirkadaha bixiya Adeega Korantada oo ku Dhawaaqay arin Shacabka Soomaaliyeed ka Naxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here