Shirkadda caawimada gaarka ah ee Lystra ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay shaqada ka caydhiso inta u dhaxaysa 15 iyo 20 shaqaale ah oo diiday in laga tallaalo Corona.
Go’aanka waxaa ku jira dhammaan shaqaalaha, haddii ay ka shaqeeyaan daryeelka ama shaqaalaha maamulka.
Sarkaal ka tirsan shirkadda ayaa maanta u sheegay Raadiyo Sweden in “dhammaan shaqaalaha ay tahay in laga tallaalo Corona si loo ilaaliyo macaamiisheena iyo dadka ka tirsan kooxaha halista ah,” isagoo raaciyay “Shirkaddu waxay siisay shaqaale kasta oo aan la tallaalin muddo 3 bilood ah si uu u qaato tallaalka, haddii kale in shaqada laga eryo.”
Adeegga kaalmaynta shakhsi ahaaneed waxa la siiyaa waayeelka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee aan nolol maalmeedkooda ku taageeri karin.
Ururka “kommunal” ayaa dhaliilay go’aanka shirkadda oo ka howlgasha qeybo badan oo dalka ah.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay