Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay inay Lacag Cusub soo saarayso

Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay inay Lacag Cusub soo saarayso

0

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe C/raxmaan Max’ed C/llaahi ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka.

C/raxmaan Max’ed C/llaahi waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago,iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.

Waxa uu xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlayey soo saaridda lacago cusub oo shillin Soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi, sidaa awgeedna ay rajeynayaan in waqtiyada soo socda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe C/raxmaan Max’ed C/llaahi waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan, inkastoo ayuu yiri cudurka Covid 19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka.

Ad
Previous articleMidowga Africa oo ka Hadlay Khilaafka Raysulwasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo
Next articleShirkada ugu Horeysay ee Sweden oo Shaqada ka Ceyrineysa Shaqaalaha aan is Talaalin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here