Home Wararka Somaliya Shirka Wadatashiga Doorashada oo Goor dhaw ka Furmay Muqdisho

Shirka Wadatashiga Doorashada oo Goor dhaw ka Furmay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisiyooni waxaa Maanta ka furmay  Shirka Madasha wadatashiga Arriimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ah, Madaxweynayaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka, iyada asal looga dhigayo heshiiskii Magaalada Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Shirka ka qeyb galeysa ayaa waxaa ay is dhaafsanayaan aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo ay u dhi karto doorashada Soomaaliya oo waqtigii loogu talo galay dib uga dhacday iyo sida lagu fulin karo heshiiskii 17-kii September iyo heshiiskii Guddiyada ee Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo oo shirarkii hore ka qeyb galay ayaa shirkaan ka maqan, kadib markii Arrimaha doorashada Soomaaliya uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Ad
Previous articleMagaalada Durbanville oo Xalay lagu dilay Muwaadin Somali ah (Magaciisa)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo ka qeyb galay Shirka Wadatashiga Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here