Home Wararka Somaliya Shirka Wadatashiga Doorashada oo galay Maalintii 4aad.

Shirka Wadatashiga Doorashada oo galay Maalintii 4aad.

0

Maalintii afaraad waxaa Muqdisho ka soconaya shirka Wadatashiga Doorashada dalka una dhaxeeya Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Madaxda Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir.

Shirkaan oo ka soconaya Teendhada Afisyooni ee garoonka Aadan cadde, ayaa waxaa Looga dooday Xaalada cakiran ee Dalka islamarkaana Hortaagan Doorashada dalka.

Warmurtiyeed ayaa la filayaa in laga soo saaro shirka, waxaana Ilo Muhiim ah ay Mudug24, usheegeen in Maanta ay ka qeyb-galayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta dalka.

Muddo ayaa la isku khilaafsanaa habka loo marayo doorashada dalka, waxaana isku khilaafsanaa Qaar ka mid ah Maamul gobaleedyada iyo Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Ad
Previous articleGolaha Amaanka QM oo Maanta shir ka yeelan doona Arimaha Somaliya
Next articleDowladda Kenya oo war ka soo saartay Ganacsade Soomaaliyeed oo dalkeeda Lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here