Home Wararka Somaliya Dowladda Kenya oo war ka soo saartay Ganacsade Soomaaliyeed oo dalkeeda Lagu...

Dowladda Kenya oo war ka soo saartay Ganacsade Soomaaliyeed oo dalkeeda Lagu dilay

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya.

Warbaahinta Wadanka Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadahaan Somaaliga ah ee Haysta dhalashada Wadanka Mareynka.

Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday.

Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka.

Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga.

Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay.

Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay.

Ad
Previous articleShirka Wadatashiga Doorashada oo galay Maalintii 4aad.
Next articleUrur goboleedka IGAD iyo sanduuqa hormarinta ee UNCDF oo kala saxiixday Heshiis 2 sana ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here