Home Wararka Somaliya Shirka Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda Fedraalka oo Maanta Lagu balansanyahay

Shirka Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda Fedraalka oo Maanta Lagu balansanyahay

0

Maanta waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan teendhada Afisyooni ay dib uga bilaawdaan wadahadalladii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay hakad ku jiray.

Kulamadaan oo qorshuhu ahaa in Talaadadii shalay dib loo bilaabo ayaa u baaqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo safar ugu maqnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, si maanta uu uga qeyb galo kulamada madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee lagu wado in Afisyooni ay dib uga bilaawdaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xalay sheegay in dowladda federaalka ay go’an tahay, kuna dadaalayso, sidii ay u mira-dhali lahaayeen kulamada wadatashiga ah ee u socda madaxda dawladda federaalka iyo dawladaha xubmaha ka ah.

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay saacadihii u dambeeyey soo saareen waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya uga dalbadeen inay heshiis ka gaaraan oo ay sameeyaan tanaasulka lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Ad
Previous articleGaalkacyo Heshiis laga gaaray Dhacdo lagu dilay 3 nin oo reer Guuraa ah ( Sawiro )
Next articleGoor dhaw ayuu Furmay Shirkii Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here