Home Wararka Somaliya Goor dhaw ayuu Furmay Shirkii Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada

Goor dhaw ayuu Furmay Shirkii Madaxda Dowladda iyo Dowlad Gobaleedyada

0

Waxaa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka biloowday shirka aan rasmiga aheyn ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka oo Sabtidii todobaadkaan ka bilaawday Teendhada Afisiyooni ayaa hakad ku jiray labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyada oo madaxda ay ka doodeen arrimo dhowr.

Kulanka Maanta oo rajo badan laga muujinayo ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan Ajandaha Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan furmaya iyo cidda ka qeyb galeysa Shirkaas.

Wararka soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka ay goobjooh ka noqdaan Xubnaha Midowga Musharixiinta & Guddoomiyaha Aqalka Sare , balse dhinaca Villa Soomaaliya ay ku adkaatay.

Shirka maanta ayaa la filayaa in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ay madaxda ku cadaadinayaan inay heshiis gaaraan.

Ad
Previous articleShirka Maamul Gobaleedyada iyo Dowladda Fedraalka oo Maanta Lagu balansanyahay
Next articleKulan Wadatashi ah oo Ku saabsan Waxbarashada Galmudug oo ka Furmay Dhuusamareeb (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here