Shirka Golaha wadatashiga Qaranka oo goor dhow ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu qabanayo Dhuusamareeb.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Xamse Cabdi Barre,Raisul Wasaare kuxigeenka Saalax Axmed Jaamac,Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubaland sido kale Shirka waxaa ka qeybgalaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maamulka Puntland ayaa weli ka maqan Shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka iyadoo Shirkii hore lagu gaaray go’aano masiiri doono oo dhaliyay doodo Siyaasadeed.
Ad