Home Wararka Maanta Sakariye Cali Axmed oo Dhawaan laga Soo Qabtay South Sudan oo Dil...

Sakariye Cali Axmed oo Dhawaan laga Soo Qabtay South Sudan oo Dil Toogasha ah lagu Xukumay

0

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Ex Dable Booliis Sakariye Cali Axmed , oo lagu helay in uu dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabayay Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin).

Ninkan xukunka dilka ah lagu riday ayaa maxkamadda ku heshay in si bareer ah degmada Dayniile ugu dilay sargaalka booliiska kaddibna ka qaatay biskoolad uu watay, waxaana maxkamadda la horkeenay cadeymo muujinaya dilka askarigan uu geestay.

Dilaa Sakariye Cali Axmed ayaa marka uu dilka geestay kaddib u baxsaday dalka Koonfurta Sudan gaar ahaan magaalada Jubba, waxaana ciidanka booliiska usoo gacan galiyay booliiska caalamiga ee loo yaqaan Interpol oo qabtay gacan ku dhiiglaha/.

Guddoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Sakariye Cali lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cali Xasan Siyaad .

Ad
Previous articleShirka Golaha wadatashiga Qaranka oo goor dhow ka furmay Magaalada Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo War kasoo Saartay Dagaalkii ay ku Qaadeen Cowswayne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here