Home Wararka Somaliya Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo meel adag maraaya oo Goordhow Soo dhamaaday...

Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo meel adag maraaya oo Goordhow Soo dhamaaday iyo Shirka oo siisocon Doona

0

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow soo gabagaboobay maalintii afaraad, iyadoo aanay weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada. Shirka ayaa gelinkii hore mar qarka u fuulay in lagu kala tago.

Marxalada uu maanta galay shirka ayaa ahaa tii ugu adkeyd, waxaana berri oo jimco ah Madaxdu ay galayaan fasax, iyadoo habeen dambe la isku soo laaban doono.

Afhayeenada Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa laga soo warinayaa in shirka uu jawi xasilloon ku soo dhamaaday, waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah oo caawa illaa berri Madaxda yeelan doonaan si ay isugu qanciyaan Xalinta qodobada muhiimka ah si uu shirka uu guuleysto.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Shirkii Golaha Wadatashi Qaran oo Dib u Furmay Markale
Next articleCiidamada Booliska Galmudug oo Ku Warejiyay Puntland Gaari puntland laga Soo Dhacay( Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here