Home Wararka Somaliya Shirka Afisyooni inta uu socday maxaa diirada Lagu saaray ?

Shirka Afisyooni inta uu socday maxaa diirada Lagu saaray ?

0
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa maalintii afaraad galay, iyadoo Madaxda ka doodayaan saddexdii qodob ee u burburay shirarkii hore, waxaana la soo warinayaa in is faham badan uu shirka ka muuqdo, madaxduna ay inta badan qodobada isku afgarteen inta aan ka aheyn arrinta Somaliland.
Saddexdii maalmood ee shirka socday waxay Madaxdu isu kala qeybiyeen ka doodista qodobadii saddexda ahaa sida arrintii Guddiyada doorasho, Gedo iyo arrintii Somaliland oo loo daayay in xubnaha labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay ka soo wada hadlaan, inkastoo shirkaas uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ayaa isku dayaya inay xaliyaan muranka u dhaxeeya labada garab, gaar ahaan dhismaha guddiga maareynta doorashooyinka Somaliland oo aad la isugu haayo qaabka loo qeybsanayo tirada xubnaha guddiga labada dhinac kala helayaan.
Illaa maanta ayaa la filayaa in xal laga gaaro arrintaas, kaddibna la diyaariyo munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.
Ad
Previous articleUrur goboleedka IGAD iyo sanduuqa hormarinta ee UNCDF oo kala saxiixday Heshiis 2 sana ah
Next articleXiritaanka Shirka Wadatashiga Doorashada oo u dhacay khamiista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here