Home Wararka Maanta Shir looga hadlayay amniga garoonka aadan cadde oo Muqdisho ka dhacay

Shir looga hadlayay amniga garoonka aadan cadde oo Muqdisho ka dhacay

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa shir guddoomiyay shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Agaasimaha Guud, Maareeyaha Hay’add Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Saraakiil kale, waxaana lagu lafa guray Amniga Garoonka iyo sidii loo xaqiijin lahaa.

Shirkaan ayaa kusoo aaday kadib Shaqaaqadii 23 March 2022 waxaana Wasiir Gaadiidka uu ku dhagaystay Warbixin la xariira dhacdadaas iyo xogo Hay’adaha Amiga soo aruursheen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulusta Hawadda Md Duran Farah ayaa faray Hay’adaha amniga in la xoojiyo sugida amniga garoonka iyo xayndaabkiisa.

Ad
Previous articleXukuumada Soomaaliya oo Maantay Soomaalind ku Wareejjnaysa $12 Millon oo Doolar
Next articleDuufaantii Qoor qoor oo dani ku bilaabatay ka dib kulamo xasaasi ah oo xalay dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here