Home Wararka Somaliya Puntland Duufaantii Qoor qoor oo dani ku bilaabatay ka dib kulamo xasaasi ah...

Duufaantii Qoor qoor oo dani ku bilaabatay ka dib kulamo xasaasi ah oo xalay dhacay

0
Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsanaa Baarlamanka 10-aad ee Soomaaliya oo kasoo jeeda Deegaanada Puntland ayaa caawa muqdisho ku yeeshay shir ay ugu magacdareen “Badbaadada Puntland” kaas oo ay xuseen iney oga tashanayeen sidii loo sixi lahaa siyaasadda gudaha ee Puntland.
Sido kale waxey ku balameen shirweyne kale oo ay kasoo qeybgali doonaan Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo dhalinyarada reer Puntland ee ku sugan Caasimadda Muqdisho.
Siyaasiyiintan ayaa dhawaan soo waayay kuraastoodii Baarlamanka, waxaana ka mid ah xubnaha kuraastooda waayay Wasiir dowlaha Maaliyada somaliya  iyo wasiirka qorsheynta dalka.
Galmudug ayaa dhawaan xubna siyaasiin ah waxay ka dhax-bilaabeen kulamo siyaasadeed oo lagu dhabar jabinayo Madaxweyne Qoor qoor, waxaana hada midaas mid la mid ah lagu wadaa in lagu sameeyo Musharax madaxweyne saciid cabdullahi dani
Ad
Previous articleShir looga hadlayay amniga garoonka aadan cadde oo Muqdisho ka dhacay
Next articleBoqor Buurmadoow oo Si kulul uga Hadlay Hadal Kasoo Yeeray P.M Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here