Home Wararka Maanta Sheekha caanka ah ee Muft Menk oo Amaan kala Dul dhacay Haweenka...

Sheekha caanka ah ee Muft Menk oo Amaan kala Dul dhacay Haweenka Soomaaliyeed

0

Sheekha caanka ah ee Muft Menk ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii muuqaal uu soo duubay uuna kaga hadlayay arrimo dhowr ah, uu ku ammaanay haweenka Soomaalida.

Sheekhan oo khudbad Jimcihii lasoo dhaafay ka jeedinayay masjid ku yaalla dalka Koofur Afrika, ayaa ammaanay sida ay u asturan yihiin gabdhaha iyo haweenka Soomaalida.

“Xoogaa kahor waxaan idiin sheegay in dadka ka yimid Soomaaliya aad dadka kasoo dhex saari karto durba markaad meesha soo gasho, dadkaanna ma aysan dhigin xijaabkooda. Haweenka walaalahey ee Soomaaliya kasoo jeeda hambalyo, mabruuk ayaan idiin leeyahay,” ayuu yiri sheekha.

Sheekha ayaa kula dardaarmay haweenka Soomaalida inay tusaale u noqdaan dunida. Wuxuu intaa raaciyay inuu tegay dalal dhowr ah oo adduunka ah uuna mar walba la dhaco asturnaanta haweenka Soomaalida.

“Waxaan mar walba iraahdaa Subxaanallaah, bal eeg dadkan mar walba waxay u asturan yihiin si qurux badan.” Ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu sheegay in inkastoo dadka Soomaalida guryahooda laga soo barakiciyay, haddana diintooda aysan ka bixin wadnahooda.

Waa kuma Muft Menk?

Mufti Dr Ismail Menk waa wadaad caan ah oo Muslim ah wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray dalka Zimbabwe. Wuxuu Shareecada ka bartay magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga wuxuuna heystaa shahaadada sare ee Hanuuninta Bulshada oo uu ka qaatay Jaamacadda Aldersgate.

Mufti Menk oo da’diisu ay 50 ku dhowdahay ayaa aad looga yaqaannaa dunida wuxuuna ku jiraa “500 ee Muslimiinta ugu Saameynta badan Dunida” tan iyo 2010.

Malaayiin qof ayaa ku xiran barihiisa bulshada. Dad badan ayaa ku taageera qaabka uu wacdiyada u jeediyo oo ah kuwo soo jiidasho leh uuna mararka qaar ku cabbiro wixii uu shakhsi ahaan lasoo kulmay.

Mufti ayaa u safra dunida isagoo dadka kula taliya inay is wanaajiyaan isuna gargaaraan.

Ad
Previous articleGudoomiye aadan Madoobe iyo Wafdi uu Horkacaayo oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)
Next articleWasiirka amniga Galmudug oo Booqday Goobihii Alshabaab Laga Saaray iyo Beesha Sacad oo Xoolo Deeq ah Gaarsìisay…..(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here